​Wabiga Shabeelle oo fatahaad sameeyay

Image

JOWHAR- Wararka aan ka helayno qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe ee Somalia, ayaa laga soo sheegayaa inuu fatahay wabiga Shabeelle islamarkaana saameeyay dadka ku dhaqan tuulooyin hoos yimaad degmada Jowhar.

Wabiga ayaa ku fatahay tuulooyin badan oo qiyaastii in kayar labo KM dhinaca Bari ka xiga degmada Jowhar, wuxuuna aad u saameeyay dadka beeralayda ah.

Meelaha ugu daran waxaa kamid ah deegaanka Bayaxow, oo laga soo warinayo in dhammaan qarqiyeen biyaha wabiga islamarkaana uu dusha kamaray wixii dalag ku yallay.

Meelo kale oo gobolka kamid ah, ayaa horay wabigu ugu fatahay, waxaana dadka deegaanku codsadeen in xaaladooda wax laga qabto.

Dhawaan ayay ahayd markii wabigan gabi ahaanba biyo laga waayay, iyadoo arrintaasi dhinacyo badan loo dhigay, waxaana kamid ahaa in dowladda Ethiopia biyo xireen samaysay.

Madaxweynaha Somalia ayaa ka hadlay, wuxuuna sheegay inaysan dhici karin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM