Wada-hadallada Galmudug iyo Ahlu Sunna oo Muqdishu ka furmaya

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa Maanta oo Talaado ah la filayaa in magaalada Muqdishu uu ka furmo Wada-hadallada u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna, kaasi oo garwadeen ka tahay dowladda Federaalka Somalia.

Shirkan oo ay ka qeyb-galaya Wasiirrada Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa iyo Dibadda Yuusuf Garaad Cumar, oo xalay Ra'iisal wasaare Kheyre u magacaabay inay dhex-dhexaadiyaan labada dhinac.

Waxaa ku sugan Muqdishu wafuud ka kala socoto Galmudug iyo Ahlu Sunna, oo ka qeyb-galayo Shirka mideynta maamullada iska soo horjeeda ee ku kala sugan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusaareeb.

Dowladda dhexe ayaa ku dadaalaysa inay ka miro dhaliso wada-hadalkan ka hor doorashada la filayo inay Galmudug ka dhacdo 30 bishan.

Labada dhinac ayaa horay u sheegay inay diyaar u yihiin wada-xaajood iyo inay miiska dushiisa ku xalliyaan wixii kala aragti duwanaan ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM