Wadaad lagu eedeeyay "faafinta fikirka Al-Shabaab" oo la xiray

Image
Sheekh Mustafa Cali Caanood ayaa la dhashay afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa xabsi dhigay Sheekh Mustafa Cali Caanood, sidda ay Isniinta maanta ah sheegtay Wasaaradda Warfaafinta ee xukuumadda federaalka ah.

Sida ku xusan war-saxaafadeedka, qabashada Caanood ayaa la xiriirta markii uu kasoo muuqdey masjid ku yaalla degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho "isaga oo u sacabo-tumayo fikirka Al-Shabaab.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online, ciidamada fuliyey howlgalka lagu soo qabtey Caanood ayaa waxaa fuliyey cutubyo ka tirsan hay'adda sirdoonka qaranka.

"Dawladda Soomaaliya waxeey mar kale ku celinaysaa in ay mamnuuc tahay nooc kasta oo ah faafinta iyo dhiirigalinta afkaaraha qalafsan ee Khawaarijta, afkaarahaas oo inta badan loo adeegsadey in lagu laayoboqolaal shacab ah oo aan waxba galabsan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxaa kale oo reeban nooc kasta oo ah la macaamil iyo gacansiinta Khawaarijta naf la caariga ah.
Dawladdu waxay uga mahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed doorkooda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta".

"Mustafa Caanood ayaa ah shakhsi caadaystay faafinta fikirka Khawaarijta, waxaana fariimihiisu ahaayeen kuwa loogu talo-galay in lagu marin habaabiyo dhalinyarada Soomaaliyeed," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Wadaadkan oo wajahaya su'aallo waydiin lana filayo in maxkamad lasoo taago bilooyinka soo aadan ayaa la sheegay in uu la dhashay afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdullaahi Cali Caanood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM