Wadaad xalay degmada Beledweyn lagu diley

Image

March 17, 2015 (GO)- Macallin dhigayey dugsi Qur'aan ayaa xalay lagu diley degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Labo nin oo biskoolado ku hubeysnaa ayaa lagu soo warramayaa inay macallinkaas ku toogteen meel u dhow gurigiisa oo ku yaal xaafadda Xaawo Taako.

Kuwa dilka geystey ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday, ilaa iyo haddana haybtooda lama aqoonsan.

Booliska ayaa goor hore oo saaka ah yimid aagga xalay uu dilku ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan muddo kooban socdey.

Boolisku waxay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo laga shekiyey, kuwaasoo xilligan baaritaan lagu wado.

Bishii hore ee February ayey ahayd markii degmada Hawlwadaag ee magaalada Beledweyn lagu diley ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jirey Xaaji Quurow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM