Wadahadal laga dhexwado mas'uuliyiinta sare ee DFS

Image

Sabti, November 8,2014 [GO]- Wararka laga helayo magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in beesha caalamka iyo guddoonka Barlamanka Somalia wadahadal lagu dhexdhexaadinayo ka dhexwadaan Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia iyo Ra'isal wasaare Cabdisweli Shiikh.

Safrrika wadanka Ingriiska u fadhiya dalka Somalia Neil Wigan ayaa maanta la kulmey labada mas'uul ee ugu sareya dalka Somalia isagoo kala hadley sida loo soo afjari lahaa khilaafka hareeyey madaxada sare ee dowlada Federaalka Somalia.

Kulankaan ayaa wax war ah kasoo bixin balse warar ku dhow ayaa sheegaya in fikirka labada mas'uul ka taagan yihiin sida lagu xalin karo khilaafkaan aad u kala fog yahay.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ayaa ku xirey wadahad lagu xalin karo khilaafkaan in marka Ra'isal wasaaraha Somalia ka noqdo isku-shaandhenytii golaha Wasiirada halka Wasiirka Kowaad ee xukuumada Somalia ku gacan-sayrey.

Dhinaca kale gudoonka Barlamaanka dowlada Federaalaka Somalia ayaa qayb ka ahaa dhexdhexadinta Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra'isla wasaaraha.

Gudoonka ayaa la kulmey xildhibaanada kala tageersan labada mas'uul iyadoo wararku sheegayaan in qaar ka tirsan mudanaaysha la fikirka ah Ra'isal wasaaraha Somalia aaminsan yihiin in mooshinka laga keeney Wasiirka kowaad usuan sharciga waafaqsaneyn.

Mudanaayaasha tageersan Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa ku doodaya in mooshinka ka dhanka ah Wasiirka Kowaad laga sixiixey Xildhibaano aan wadanka joogin.

Mudane ka tirsan Barlamanka Somalia oo la hadley warsidaha GO ayaa sheegey in hadii uu guul dareysto wadahadalka lagu dhexdhexadinayo labada mas'uul mooshinka ka dhanka ah Ra'isal wasaraha Somalia doodiisu bilaaban doonto asbuuca soo socda bartamihiisa.

Mudanhaan oo diidey in aan xusno magaciisa ayaa dhinaca kale sheegey in cod u qaadista mooshinkan gaari karto ilaa bisha November dhamaadkeeda hadii la wafaajiyo shuruucda Dastuuriga ah.

khilaafka labadan mas'uul ayaa ku soo beegmey xilli wadamada dhaqaale ahaan tageera Somalia qaban qaabinayeen shirweyne lagu qabto magaalada Copenhagen kaasoo lagu raadinayo dhaqaalo lagu tageero dib u dhiska wadankaan dagaalda sokeeye waxyeelada u gaysteen.

Hoos ka akhri sida loo qorey mooshinka ka dhanka ah Ra'isal wasaaraha Somalia Cabdiweli Shiikh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu isku dayayo inuu “ka takhaluso”

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale sheegay in maamulka uu si sharci darro ah u bartilmaameedsanayo odayaasha dhaqanka.

  • Soomaliya

    27-09-2025

  • 12:49PM

Mashruuca Qaybinta Timir Gargaar ah oo Si Hab-sami Leh Uga Socda Duleedka Muqdisho, Gobolka Banaadir [SAWIRRO]

Hay’adda Al-Mahasin ee Horumarinta iyo Waxbarashada ayaa muujisay mahadnaq qoto dheer oo ay u jeedisay Xarunta Boqor Salmaan.

  • Soomaliya

    26-09-2025

  • 02:58PM