Wadahadalada doorashooyinka oo ka bilowday Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Garowe Online ayaa fahansan in madaxda ka arrinsaneyso diyaarinta habraaca doorashada Aqalka Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ka furmay Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afasiyooni oo ah xarunta ciidamadda cirka Soomaaliyeed ee magaala madaxda.

Madaxwayneyaasha shanta maamul goboleed ee waddanka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Filish] ayaa kasoo muuqdey wadahadaladda.

Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoominaya wadaxaajoodyadan oo kalkii hore qorshuhu ahaa in ay ka bilowdaan caasimadda Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay.

Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xukuumadda xilgaarsiinta, wadahadaladan ayaa diiradda waxaa lagu saarayaa sidii loo dardargelin lahaa howlaha ka haray doorashooyinka dalka uu galay.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in ajandaha ay qeyb ka tahay "diyaarinta habraacyada doorashada  Golaha Shacabka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday".

Garowe Online ayaa fahansan in suurtagal ay tahay in madaxda isbedel ku sameeyaan heshiiskii 17-kii September, 2021 gaar ahaan degaan doorashadda iyo tiradda dooraneysa Xildhibaanadda.

Kulankan ayaa qeyb ka ah wadahadalo taxano ah oo bilooyinkii u dambeeyay ay madaxda Soomaalida ka yeesheen coddeynta heer federaal oo qorshuhu ahaa in ay dalka ka dhacdo sanadka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM