Wadahadalka DF iyo Somaliland oo maalintii saddexaad baaqdey

Image

March 1, 2015 (GO)- Wadahadalkii Dowladda Feeraalka iyo Somaliland uga furmi lahaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa maalintii saddexaad baaqdey kaddib markii labada dhinac arrimaha qaar isku mari waayeen.

Somaliland ayaa shardi ka dhigtey in ergada Dowladda Federaalka laga saaro xubno -sida Somaliland ku doodeyso- deegaan ahaan kasoo jeeda dhulkeeda, waxayna warqad cabasho ah u gudbiyeen mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in shirku u dhexeeyo Somalia iyo Somaliland sidaas darteed ergada Somaliland shirka ka qaybgeli doonin ilaa iyo inta laga saarayo xubno u dhashay Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale, ergada Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysanaya inaan cidna laga saari doonin shirka iyagoo ku eedeeyey Somaliland inay dano gaar ah leedahay maadaama markii Soomaaliya la joogey loo gudbiyey liiska xubnaha meteleya Dowladda Federaalka iyo ajandeyaasha shirka ayna aqbaleen balse markii Istanbul la yimid ay dood hor leh bilaabeen.

Shirkan ayaa qorshuhu ahaa inuu furmo 28-da bishii hore ee February balse dib u dhac ayaa ku yimid. Ajandeyaasha lagu gorfeyn lahaa kulanka waxaa ku jira arrimo xasaasi oo ay ugu muhiimsan tahay sida laga yeelayo midnimada iyo qadiyadda gooni isu-taagga Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM