Wadahadalkii Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo dib u dhacey

Image

February 26, 2015 (GO)- Waxaa dib u dhacay wadahadalladii u socdey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somliland oo qorshuhu ahaa inay maanta ka furmaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Sababaha keenay dib u dhaca lama shaacin, balse mas'uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa sheegay in shirku si rasmi ah u furmi doono maalinta Axadda ee taariikhdu ku beegan tahay kowda bisha March.

Kulankii ugu dambeeyey ee Dowladda Federaalka iyo Somaliland yeeshaan oo ka dhacay magaalo madaxda dalka Jabuuti, waxaa qodobadii lagu heshiiyey kamid ahaa in lasii dardargeliyo wadahadallada kulanka xigana laysugu yimaado February 26, 2015.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa heshiiskaas qalinka ku duugey, waxaana qodobada kale ee hishiiskaasi dhigayey ugu muhiimsanaa:

  • In la dar dar geliyo wada hadallada labada dhinac waqtina lagu jaan gooyo.
  • In arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah lagu dhiirrado lana fuliyo waxyaabihii horay loogu heshiiyey.
  • In laga dhowrsado wax walba oo wada hadallada carqalad gelin kara.
  • In aan la siyaasadeyn deeqaha bini aadamnida iyo mashaariicda horumarinta balse la dhiiri geliyo.
  • In la fuliyo heshiiskii maamulka hawada.
  • In kulammada hadii labada dhinac raali ka yihiin laga soo qayb gelin karo khubaro farsamo iyo dowlado saaxiib ah.
  • In ergooyinka labada dhinac kulanka kan xiga ku yeeshaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 26/27 February, 2015.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM