Wadanka Ingriiska oo ciidamo u diraya dalka Somalia

Image

Britain ayaa lagu wadaa in ciidamo ka badan 300 oo askari ay u dirto waddamada Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya si ay u taageeraan hawlgalada nabad ilaalinta caalamiga ah ee waddamadaasi.

Inta badan ciidamadaasi waxa la geynayaa Koonfurta Suudaan si ay tababar dagaal iyo talo dhanka farsamada ah u siiyaan ciidamada Qaramada Midoobey.

Ilaa iyo 70 askari oo ciidamadaasi ka tirsan ayaa sidoo kale waxa ay ciidamada hawlgalka midowga Afrika ee jooga Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka caafimaadka iyo arrimaha hawlgalka.

Ra’iisalwasaaraha Britain David Cameron ayaa sheegay in ciidamadaasi ka socda dalkiisa ay waddamadani ka caawin doonaan yareynta argagixisada iyo tahriibka.

Xigasho: BBC

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM