Wadanka Kenya oo caddeymo badda ah gudbiyey

Image

23 October, 2015(VOA)- Dowlada Kenya ayaa Guddiga Xadaynta Qalfoofka Badda ee QM u gudbisay caddymo la xariira muranka xuduudda dhinaca badda ee kala dhexeeya Soomaaliya. 

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa warbixin uu daabacay ku sheegay in caddeymahan oo uu xeer ilaaliyaha qaranka Kenya Githu Muigai u gudbiyey guddigan fadhigiisu yahay magaalada New York, ay yihiin xog la ururiyey toddbadii sano ee tagtay.

Dowladda Kenya waxa ay dooneysaa in xadka badda uu ahaado sida ay ayada u dooneyso oo ah in calaamadda xadka loo soo qalloociyo dhinaca Soomaaliya, halka Soomaaliya ay ku doodeyso in caalamadda xadka ee dhulka iyo tan badda ay isla socdaan.

Kenya waxa ay horey u sheegtay inaysan sax ahayn dacwadda ay Soomaaliya u gubisay maxakamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, waxayna dooneysaa in arrintan lagu dhammeeyo si ka baxsan maxkamadda.

Wargeyska iyo warbixinta uu qorey ayaa Sahra Cabdi Axmed waxaa ay ka wareysatey wariyaha VOA ee magaalada Nairobi Yaasiin Ciise Wardheere, si faahfaahin uu uga bixiyo arrintan.

VOA

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM