Wadanka Uganda oo ciidamadiisa kala baxaya dalka Somaliya

Image

Wadanka Uganda ayaa ciidamadiisa kala bixi doona howl galka Nabad sugida midowga Afrika ka wado dalka Somaliya, sidaas waxaa sheegey madaxa ciidamada ee dalkaas.

Gen. Katumba Wamala ayaa sheegey in ciidamada Uganda ka baxayaan dalka Somaliya 2017 iyadoo sababta tahay kadib markii dhibaato kala kulmeen iney la shaqeeyaan ciidamada Somaliya iyo la taliye- yaasha wadamada Marakenka, Ingriiska iyo Turkiga.

Wadanka Ugnada ayaa ciidamada ugu tirada badan ee howlgalka AMISOM ka joogaan dalka Somaliya.

AMISOM ayaa caawintey in magaalooyinka waaweyn ee Koonfurta Somaliya iyo qaybo ka tirsan gobolada Dhexe ka kexeeyaan xoogaga Al Shabaab inkastoo kooxdaan weli weeraro khatar ah ku qaado ciidamadaan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM