Wadashaqeyn la'aan ka dhaxeysa ciidamada dowlada & AMISOM [Dhageyso]

Image

27 August, 2015 (GO)-Gudoomiyaha  guddiga difaaca baarlamaanka Somalia Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in aysan wax wada Shaqeyn ah ka dhaxayn Ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia.

Hadalkan ayuu Xuseen Carab ka sheegay kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka Somalia, isagoona  tilmaamey in arrintaasi u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga Somalia, 

“Ciidamada AMISOM saraakiishooda markii aan weydiinay waxaa ay noo sheegeen in ay tahay sababta in aysan jirin cid u kala dab qaadeysa Ciidamada midowga Africa iyo shacabka ku nool goobaha la qabsaday, maadaama ciidamada Milatariga Somalia aysan nala socon” Ayuu yiri Carab.

Gudoomiyaha gudiga difaaca waxa uu sheegey inay baarayaan sababta loo waayay xiriirka labada ciidan, balse haatan ay ogaadeen sababta markasta AMISOM uga baxdo goobaha laga saaro Al-shabaab taasoo ku macneeyay wadashaqyn la'aanta labada dhinac.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM