Wadashaqeyn u billaabatay Khayre iyo Gollaha Shacabka [Sawirro]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Axad ah Xafiiskiisa ku yaalla Villa Soomaaliya ku qaabiley guddoonka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiye cusub Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ku xigeenadiisa Cabdiweli Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa wadahadal la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha iyagoo kawada hadlay xoojinta wadashaqeynta Xukuumadda iyo Gollaha Shacabka.

"Xafiiskeyga ayaan kusoo dhaweeyey guddoonka Golaha shacabka. Waxaan ku ballanay in la dardar geliyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha shacabka," ayuu lagu yiri qoraal lasoo dhigay Bogga Twitter-ka Ra'iisul wasaaraha.

Waa kulankii ugu horeeyay oo Khayre la yeesho Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka tan iyo doorashadiisa 30-ka bishii April, taasi oo timid markii uu is-casilay Maxamed Cismaan Jawaari oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyay Xukuumadda uu hogaamiyo.

Maxamed Mursal, oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumadda Khayre ayaa ku guuleystay doorashada , waxaana guushiisa lagu tilmaamay inay ahayd mid la filayay, maadaama uu ahaa Musharax taageero weyn ka haystay Villa Soomaaliya.

Jawaari ayaa Khudbadii Is-casilaadiisa kula dardaarmay Xildhibaanada inay ilaaliyaan madax-banaanida Gollaha Shacabka, isagoo ka digay inay isku-milyaan awoodaha Hay'adaha Sharci dejinta iyo Fulinta dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM