Wafdi gaaray magaalada Baydhabo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Wafdi isugu jira wasiirro iyo taliyaal ciidan, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mas'uuliyiinta ayaa ka qayb galaya shirka maalinta barri ah lagu wado inuu ka furmo magaalada Baydhabo, kaasi oo qayb ka ah madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayay doorashada dadban ee dalka ka dhici doonta 2016.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo wafdiga la socday ayaa booqday goobta lagu qabanayo shirka, iyagoo soo indha-indheeyay dayactir lagu wado halka shirku ka dhacayo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo kormeer kadib la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay martigalinta shirka Qaran, isagoo ballanqaaday inuu u qabsoomi doono qaabkii loogu talo galay.

Wararka uu helayo warsidaha Garowe Online ee shirkaasi ku aadan ayaa sheegaya inay macquultahay dib u dhac ku yimaada kulankaasi mar kale, sababo la xiriira mas'uuliyiintii ka qayb gali lahaa oo aan wali tagin magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha dowladda Soomaliya, Ra'isal wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada, ayaa wali tagin halkaasi, waxaana laga yaabaa inuu marka kale qabsoomi waayo waqtigii loogu talo galay aweed oo yar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM