​Wafdi heer caalami ah oo Kismayo tagay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxwyenaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno katirsan beesha caalamka ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Kismayo xarunta gobolka Jubbada hoose.

Shirkaas ayaa diradda lagu saaray arrimo ku saabsan amniga, abaaraha iyo qaxootiga kasoo laabanay dalka Kenya.

Kulankan oo kadhacay madaxtooyada Jubbaland ayaa u dhaxeeyay Madaxweyne Madoobe, Michael Keating iyo Wakiilka Midowga Africa ee Somalia danjire Francisco Madeira.

Xubnahan iyo dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale isla soo qaaday waxyaabo ku aadan isbadalka ka dhacay Somalia iyo qaabka loola shaqayn karo xukuumadda cusub.

Shirkaas ayaa markii uu soo dhammaday, waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Axmed Madoobe iyo Keating iyagoo tilmaamay inay isku afgarteen wax ka qabashada abaaraha baahsan ee ka jira Somalia, la shaqaynta dowladda iyo caawinta Qaxootiga kasoo laabanaya dalka Kenya.

Wada-xaajoodkan ayaa lagusoo beegay xilli beesha caalamku kulamo kala duwan la qaadanaysay Madaxweynaha cusub Farmaajo, Madaxdii hore Somalia iyo kuwa maamul goboleedyada taasoo timid kadib doorashadii dhacday 08 February 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM