​Wafdi ka socda dowlada Somalia oo ku wajahan Tuulada Bariire

Image

MUQDISHU, Somalia - Gudi Wasiirro ah, oo dowladda Federaalka u xilsaartey dhawaan inay baaritaan ku sameeyaan weerarkii Jimcihii ka dhacay Bariire, ayaa la filayaa in maanta ay tagaan deegaankaasi.

Wafdigan oo uu hogaaminaya Wasiirka Amniga Xukuumadda, Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), ayaa usoo guur-gelii doono qaabkii uu ku dhacay weerarka, iyagoo wareysiyo la sameyn doono goobjoogiyaal.

Safarka Gudiga xaqiiqa-raadinta ee loo diray Bariire, waxaa ku wehliya Ehelada 10-kii qof ee ku dhintay weerarka, kuwaasi oo maalmii dambe ku sugnaa Muqdishu, halkaasi oo kulamo ay ku qaadanayeen Madaxda dowladda Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirada ku jira Guddiga dowladda, ay xalay Muqdishu kula kulmay Odayaasha Dhaqanka ee dadka la dilay, waxayna ka codsadeen inay u raacaan Degaanka Bariire.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in 6 kamid ah Dadka lagu dilay weerarkii Bariire ay u dhasheen Beesha Habargidir, oo kuwaasi oo Waardiyaal ka ahaa Beerta ay ciidamada huwanta weerareen.

Si kastaba, Labo maalin oo kaliya ayaa Guddiga u hartay waqtigii shanta maalmood, ee loo qabtey in ay jawaab  ka keeneen dadkan la dilay waxay ahaayeen (Shabaab iyo Shacab).

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM