Wafdi ka socda Qadar oo yimid Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi heerkiisu hooseeyo oo ka socda dowladda Qadar ayaa saaka oo Talaado ah soo gaarey magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Wafdigan waxaa hogaaminaya Khalifa Jassim Al Kuwari oo ah Agaasimaha guud ee Sanduuqa dalka Qadar u qaabilsan horumarinta. Garoonka diyaardaha Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirro katirsan dowladda Federaalka.

Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Mukhtar Mahad Daa'uud ayaa u galbiyay Wafdiga dalka Qadar Villa Soomaaliya.

Mas'uuliyiintaan oo ka kooban 5 xubnood ayaa waxay xarunta Madaxtooyada kula kulmayaan Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madax kale oo ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Ujeedka wafdiga Qadar u yimid Muqdisho ayaa la xiriira inay ka qeybgalaan xaflad ay dowladaha Qadar iyo Soomaaliya ku kala saxiixanayaan Mashaariic horumarineed, oo ay kamid yihiin dhisamaha Wadooyinka Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jowhar.

Qadar ayaa sidoo kale dib u dayactir ku sameyn doono xaruumo dowladeed oo ku yaalla Muqdisho, tallaabadaasi oo lagu micneeyay inuu qeyb ka yahay tartanta Dooxa kula jirta dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga oo Soomaaliya ku leh saameyn xooggan, islamarkaana uu kala dhaxeeyo xiriir taariikhi ah oo soo jireen ahaa.

Socdaalka Wafdiga Qadar ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tagey dalka Imaaraadka Carabta, oo kamid ah dalalka Khaliijka carabta ee xiriirka u jaray Dooxa June 5.

Agaasiimaha Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin oo xiriir dhaw la leh Qadar ayaa la rumaysan yahay inuu ka shaqeynayo in dowladda Federaalka aysan xiriirka u jarin Doha, islamarkaana baaqi kusii ahaato go'aankeeda dhex-dhexaadka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM