Wafdi ka socda Qadar oo yimid Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Qadar, ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdishu, ee Caasumada Somalia.

Wafdiga oo uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibada Qadar Sultan bin Saad Al Muraikhi ayaa la kulmay Madax katirsan dowladda, oo uu kamid yahay Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay kawada hadleen arrimo dhowr ah, oo ay kamid tahay Xiisadaha Siyaasadeed ee ka taagan Dalalka Khaliijka Carabta iyo Go’aanka Dowladda Somalia ka qaadatey.

Sultan bin Saad ayaa soo dhaweeyay Go’aanka dhex-dhexaadnimo ee dowladda ka qaadatey arrimaha Khilaajka, waxaana uu sheegay in Qadar iyo Somalia xiriirkooda marna go’aynin.

Booqashada Sultan bin Saad ee Somalia, ayaa kusoo beegmaysa xilli la filayo in Wafdi ka socda Sacuudiga uu yimaado Muqdishu, kaasi oo ku qancin doono dowladda Federaalka inay xiriirka u jarto Qadar.

Sacuudiga ayaa u balan-qaadey dowladda Federaalka inay siin doonto, lacag dhan $50 Million, haddii ay xariirka uu jarta Qadar, oo iyana xiriir wanaagsan kala dhaxeeya Villa Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM