Wafdi ka socda Soomaaliya oo la kulmay madaxda sare ee India [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

NEW DELHI, India - Wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed ayaa booqasho ku tagey dalka India.

Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdigiisa ayaa lagu qaabilay Aqalka Madaxtooyadda India halkaasi oo ay kula kulmeen Madaxweynaha dalkaasi Ram Nath Kovind, Ku Xigeenkiisa Venkaiah Naidu iyo Ra’iisul wasaare Narendra Modi

Madaxda ugu saraysa dalka India ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyey wafddiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo safar ku jooga Dalkaasi India, oo booqasho rasmi ah ku tagey wadankaasi.

Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgallaya shir Caalami ah oo ku saabsan ka faa’idaysaiga kheyraadka dabiiciga ah ee Tamarta oo maanta ka furmaya magaalada New Dalka ee Dalkasi India.

Wafuud ka socota 121 Dal oo Africa, Asia iyo qaaraddo kale ka kala yimid, ayaa shirka lagu casuumay, kaasi oo ay soo qaban-qaabisay dowladda India.

Wafddiga Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta ay joogaan Dalkaasi India kulammo la yeelan doona qaar kamid ah madaxda shirkaasi ka qaybgalaysa oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dhinac.

India ayaa xabsiyadeeda kasoo daysay 120 maxbuus oo arrimo la xiriira burcad-badeednimo, kuwaasi lagu soo celiyay dalka kadib markii ay heshiis dhanka is-dhaafsiga maxaabiista la gashay dowladda Federaalka Soomaaliya bishii August, 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM