Wafdi wasiirro ah oo tagay degmada Jowhar gobolka Shabeellaha dhexe

Image
Image
Image
Image

28 December, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Somalia ayaa maanta tagay magalada Jowhar xarunta taaso lagu qabanayo shirka maamul u samaynta labada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Maamulka gobolka, degmada, saraakiisha ciidamada iyo bulshada ku dhaqana Jowhar ayaa soo dhaweyn u sameeyay mas'uuliyiinta xukuumadda Somalia oo weheliyaan xubno katirsan Barlamanka Federalka ee kasoo jeeda labadaasi gobolka.

Kulan soo dhaweyn iyo is-xog waraysi isugu jira ayay la qaateen bulshada, waxayna kala hadleen dhismaha maamulka la damacsanyahay iyagoo kula dardaarmay inay qayb ka qaataan sidii looga mira dhalin lahaa howlaha xukuumaddu waddo.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka Somalia Cabdiraxmaan Odowaa ayaa tilmaamay in dowladda Somalia ka go'antahay qaabkii dhaqso loogu samayn lahaa maamul ay yeeshan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, isagoo dadka deegaanka ku booriyay inay ka tashadaan hormarkooda iyo dib u dhiska dalka.

Wafdiga ayaa sidoo kale la qorshaynayaa inay booqdaan halka lagu qabanayo shirka maamul u samaynta labada gobol, waxaana la adkeeyay amniga magalada iyadoo xarunta gobolka Shebeelaha dhexe laga dareemayo diyaar garow loogu jiro marti galinta shirar dhici doona.

Dhawaan ayaa wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Somalia waxay tageen magalada Baladweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan, waxayna shacabka iyo waxgaradka deegaanadaasi ku soo qanciyeen qaabkii ay uga qayb qaadan lahaayeen hirgalinta maamul labadaasi gobol yeeshaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM