Wafdiga Madaxweynaha Somalia oo Baladweyne lagu soo dhaweeyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

21 December, 2015(GO)-Wafdiga Madaxweynaha Somalia ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, kaasi u tagay arrimo dhawr ah oo la xiriira dagaal dhawaan ka dhacay, la wareegista xafiiska gudoomiyaha loo soo magacaabay gobolka iyo dhismaha maamul ay yeeshaan gobollada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

Xasan Sheekh ayaa hogaaminayay mas'uuliyiin isugu jirta; Wasiirro, Xildhibaano, gudoomiyaha cusub iyo gudoomiyihii xilka laga qaaday, waxaana soo dhaweyn u sameeyay bulshada degmadaasi oo ka hadlay imaanshaha wafdiga iyagoo tilmaamay in gobolka amniyahay, waxayna soo hadal qaadeen dagaal beeleed dhawan ka dhacay caasumadda Hiiraan oo ay sheegeen in xalkiisu meel wanaagsan marayo.

Wasiir wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia Cabdiraxmaan Odowaa oo qayb ka ahaa wafdiga Xasan Sheekh Maxamud, ayaa sheegay in dadka Somaliyeed colaad ka daaleen, sidaa darteed loo baahanyahay in laga shaqeeyo hormarka dalka.

Odowaa ayaa sidoo kale tilmaamay in loo gudbay nidaamka Federalka, maamul walbana uusan heli karin wixii isagu jecelyahay balse muhiim tahay wax lagu wada qanacsanyahay. Gobollada aan maamulka lahayn ayuu xusay inay dowladda Federalka dhibayso ka maqnaashahooda madasha lagu wada tashanayo.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlay marxaladihii ay soo mareen dhismaha dowladahii dalka Somalia soo maray, wuxuuna sheegay inay yihiin dowlad la aqoonsanyahay islamarkaana awoodda in dalka dhexdiisa lagu watashado.

Wuxuu kadigay in dib loogu laabto arrimihii la soo maray, isagoo shacabka u soo jeediyay inay wadaan qorshe wadatashi ee aysan dusha ku sidan amarro warqado lagu soo qoray.

Imaanshaha wafdigan ayaa ku soo beegmay xilli labadalay maamulkii gobolka Hiiraan, islamarkaana la shaaciyay madashada lagu qabanayo shirka wadatashiga maamulka gobollada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan kaaso caasimad looga degmada Buulo-burde.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM