Wajiga kowaad ee Shirka London oo furmay [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

LONDON, UK - Waxaa magaalada London ka furmay maanta oo Arbaco ah wajiga kowaad ee Shirka caalamiga ee looga hadlayo arrimaha dalka Somalia.

Shirka maanta ayaa waxaa looga hadlayaa Kaalinta Qubajoogta iyo Bulshada Rayidka ee Mustaqbalka Somalia, waxaana ka qeybgalaya Madaxda Hay'adaha caalamiga iyo Mas'uuliyiin kale. 

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa uga mahadceliyay Qurbajoogta kaalintooda ku aadan dib u dhiska Somalia iyo gurmadka bini'aadanimada ee ka socda dalka. 

Wuxuu sheegay in dowladiisa ay samaynayso Hay'adda Quba-joogta qaranka, taasi oo isku-xir u samayn doono dhamaan Soomaalida ku nool dalka dibaddiisa, si dalkooda hooyo u dhistaan. 

Shirka maanta ka furmay London, wuxuu gogol-xaar u ah Kulanka berri furmaya oo ay si wadajir ah u shir-gudoomin doonaan Madaxweynaha Somalia iyo Ra'iisal wasaaraha UK Theresa May. 

Ajendaha Shirka maalinta Berri ah furmaya waxaa kamid ah Nabad-galyada, dhisamaha ciidamada Amniga Qaranka, Arrimaha Siyaasadda, Doorashada 2020, Dhaqaalaha, Bini'aadanimada, Iskaashiga Somalia iyo Beesha caalamka. 

In ka badan 40 dowladooda oo kuwa Geeska Africa ay ku jiraan, Deeq-biyaasha caalamiga ah, Hay'addo badan iyo Saaxiibada Somalia, ayaa ka qeybgalaya Shirka London. 

Waa Shirkii 3-aad oo looga hadlayo arrimaha Somalia oo ay martigeliso dowladda Ingiriiska tan iyo 2012, kuwaasi oo loogu sameeyay Somalia balan-qaadyo aan wax badan kasoo bixin. 

 GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM