Wakhtiga Doorashada Jubbaland oo cabasho laga muujiyey

Image

5 August 2015 (BBC+GO)- Barlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa uu u codeeyey in aanan dib loo dhigi doonin xilliga la qabanayo doorashada madaxweynanimada.

Barlamaanka ayaa waxa uu sido kale ansixiyey guddiga doorashoooyinka, doorashooyinkaas oo uu sheegay in la qaban doono 15-ka bishan Agoosto.

Hasayeeshee qaar ka mid ah musharaxiinta iyo siyaasiyiinta Jubbaland ayaa waxay ay dhaliileen mudada gaaban ee doorashada lagu qabanayo.

Madaxweynaha ayaa Barlamanka ka codsadey in waqtiga la kordhiyo doorashada madaxtinimada dhacey balse cod ay u qaadeen dalablka Mud. Axmad Madoobe xildhibaanada way diideen.

Dhinac kale Barlamanka Jubland ayaa magacaabey maalintii shaley guddiga doorshada madaxtinimada Jubland oo lagu wado iney dhacdo August 15,2015.

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul waxa uu ka mid ahaa dadkii tartamay doorashadii la qabtay 2013-kii.

Wareysigaan ka dhageyso BBC laanteeda Af-Somaliga

BBC+GAROWEONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM