​Wakiilka Midowga Yurub oo tagay Baydhabo

Image

BAYDHABO,Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia Ambassador Michael Corvine, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay isagoo la kulmay mas'uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Kusimaha maxweynaha ahna wasiirka wasaaradda Beeraha,  Axamed Xasan Fiqi, ayaa Wakiilka kusoo dhaweeyay xarunta gobolka Baay, waxayna kawada hadleen arrimo ku aadan doorashada Soomaliya iyo amniga.

Shirkan oo saxaafaddu dibadda kajoogtay ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa xubno katirsan golaha xukuumadda iyo Guddoomiyaha Barlamanka Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Labada mas'uul ee Fiqi iyo Corvine ayaa kulanka kadib la hadlay Warbaahinta iyagoo u sheegay in kulankan ahaa mid looga hadlay danaha dalka iyo marxalada kala guurka ah, waxayna tilmaameen inay isku afgarteen dhammaan qodobadii laga wada hadlay.

Booqashadan oo ahayd mid aan horay loo sii shaacin ayaa lagusoo beegay todobaad uun kadib markii magaalada Baydhabo lagusoo gaba gabeeyay shirkii ugu dambeeyay madasha wadatashiga Qaran ee madaxda Soomaalida kaas oo looga hadlayay doorashada waddanka ka dhacaysa sannadkan dabayaaqadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM