​Wakiilka Midowga Yurub oo tagay Baydhabo

Image

BAYDHABO,Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia Ambassador Michael Corvine, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay isagoo la kulmay mas'uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Kusimaha maxweynaha ahna wasiirka wasaaradda Beeraha,  Axamed Xasan Fiqi, ayaa Wakiilka kusoo dhaweeyay xarunta gobolka Baay, waxayna kawada hadleen arrimo ku aadan doorashada Soomaliya iyo amniga.

Shirkan oo saxaafaddu dibadda kajoogtay ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa xubno katirsan golaha xukuumadda iyo Guddoomiyaha Barlamanka Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Labada mas'uul ee Fiqi iyo Corvine ayaa kulanka kadib la hadlay Warbaahinta iyagoo u sheegay in kulankan ahaa mid looga hadlay danaha dalka iyo marxalada kala guurka ah, waxayna tilmaameen inay isku afgarteen dhammaan qodobadii laga wada hadlay.

Booqashadan oo ahayd mid aan horay loo sii shaacin ayaa lagusoo beegay todobaad uun kadib markii magaalada Baydhabo lagusoo gaba gabeeyay shirkii ugu dambeeyay madasha wadatashiga Qaran ee madaxda Soomaalida kaas oo looga hadlayay doorashada waddanka ka dhacaysa sannadkan dabayaaqadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM