Walaac laga muujiyey hub kusoo wajahan Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Murashaxiinta madaxtinimada doorashooyinka Soomaaliya 2020-21 ayaa walwal culus waxay ka muujiyeen hub ay sheegeen in Turkiga u soo wado dowlada Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Murashaxiinta ayaa lagu sheegay in hubkaas uu kusoo hagaagay mar-xalad xasaasi ah oo waddanka isku diyaarinayo doorashooyin aan wali lagu heshiin hanaanka wadanka ugu dareerayo.

"Madasha Midowga Murashixiinta Madaxweynaha wuxuu si aad ah uga walaacsan yahay hub iyo saanad milateri oo dowladda Turkiga qorsheyneyso in ay u soo gaarsiiso qeybta Haramcad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waqtigan xasaasiga ah, Goluhu wuxuu ogaaday in diyaarad Milatari oo laga leeyahay dalka Turkiga oo la yiraahdo TUAF767 lagu wado inay magaalada Muqdisho keento 1,000 G3 Machine Guns iyo 150,000 oo xabadood inta u dhexeysa 16 ilaa 18 December 2020," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Golohu wuxuu garwaaqsanyahay ahmiyada tababarka iyo kor u qaadista ay u leeyihiin laamaha amaanka ee Soomaaliya, hadana golohu wuxuu ka walaacsanyahay xaddigan hub iyo rasaas ah ee dalka ku soo qulqulaya waqtigan xasaasiga ah ee Doorashada".

"Madaxweyne Farmaajo wuxuu horey ugu adeegsaday ciidamada Haramcad xoog ku muquunin iyo ku shubasho doorashooyinka gobolada, sidaa darteedna shaki kuma jiro in isla ciidamadan Haramcad iyo hubka ka imaanaya Turkiga loo adeegsan doono afduubka doorashooyinka soo socda. Sababtaas awgeed, Goluhu wuxuu ka codsanayaa dowladda Turkiga inay dib u dhigto waqtiga keenista hubka aan soo sheegnay illaa laga gaarayo doorashada 2020/21. Waxaan ku rajo weynahay in aad naga aqbali doontid codsigan tixgelin na doontid," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee Murashaxiinta.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaan wali ka jawaabin dhawaqa kasoo yeeray Murashaxiinta oo isugu jira madaxweyneyaal hore, ra'iisul wasaare iyo siyaasiyiin kale oo jagooyin kala duwan kasoo qabtay waddanka.

Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sanadihii ugu dambeeyay xoojiyey galaangalkooda Soomaaliya si gaar ah maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, tababarida ciidamadda iyo ku dhex-milanka siyaasadda dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka Murashaxiinta

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM