Walaalo ku dhimatay qarax ka dhacay guriga wasiir ka tirsan Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubaland – Qarax miino oo xalay ka dhex-dhacay guriga uu xaafada Siinay ee magaalada Kismaayo ka degan yahay Wasiirka Degaanka iyo Dalxiiska Jubaland ayaa sababay dhimashada saddex ruux.

Wasiir Caydiid Saleebaan Xaashi oo ka badbaadey weerarkaas u muuqday mid la doonayey in lagu khaarijiyo una waramay Idaacadda VOA ayaa sheegay "in uu maskax ahaan iyo jir ahaanba wanaagsan yahay".

Sidda laga soo xigtay wasiirka oo ka gaabsaday fahfaahin badan, laba kamid ah dadka ku naf-waayey falkaas waxay kamid ahaayeen ilaaladiisa, halka marxuumka kale uu kamid ahaa dhalinyarada xaafadda.

Wiilka dhalinyarada ah ee ku dhintay qaraxa iyo askari kamid ah labada ku naf-weyday weerarka ayaa ahaa walaalo, sidda wasiirku qiray, isagoo tacsi tiiraanyo le u diray ehelka iyo asxaabta ay kawada dhinteen.

"Walaahi waxay u muuqataa in ay doonayeen in ay ku dilaan wiilasha ilaaladeyda ah ee qolkaas wada dagneyd," ayuu ku daray hadalkiisa. "Qolka wuxuu ahaa irid banaan. Waxaana kaliya deganaa ilaaladeyda. Miinada waxaa la saarey daaqada. Burbur yar oo ah meesha miinada ka baxdey ayaa ka dhashay".

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Haseyaashee, Kismaayo waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka xilli ay doorashooyinka baarlamaanka soo dhowaadeen.

Laba habeen kahor, dabley ayaa bam-gacmeed ku weerartay Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Jubaland, Cabdi Baaley Xuseen. Saddex qof oo ilaalada mas'uulka ku jireen ayaa ku dhaawacmay falkaas.

26-ka bishii hore ee October, kooxo hubeysan ayaa gudaha Kismaayo ku dilay maamulihii Xawaalada Amal, Cabdullaahi Shigshigow.

Kismaayo ayaa kamid ah labada degaan doorasho ee lagu soo xuli doono mudaneyaasha baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, halka Garbahaarey loo calaamadeeyay goobta labaad, wallow uu muran ka taagan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM