​Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga Barlamanka Federalka Somaliya oo la shaaciyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa ka hadlay waqtiga la qorshaynayo inuu furmo kalfadhiga Xildhibaanada si looga hadlo ajandayaasha horyaala fadhigan.

Xoghayaha Guud ee aqalka hoose Cabdikariin Xaaji Buux oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in maalinka Sabtida ee 9-ka bishan uu furmayo kalfadhiga Golaha Shacabka Somalia.

“Dhamaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in waqtigii dib loo bilaabayay fadhiyada uu bilaawday, sababtoo ah muddadii fasaxa ee Xajka wuu dhamaaday, marka Sabtida haddii uu Alle idmo waxaa furmaya kalfadhiga Baarlamaanka,” ayuu yiri Cabdikariin Buux.

Guddiyada joogtada ah ee Xildhibaanada ayuu xoghayuhu sheegay inay soo xaadiraan kulanka Khamiista ee soo socota si looga hadlo sameynta iyo dhameystirka ajandayaashi lagu hagi lahaa kalfadhiyada Golaha.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa ku maqan fasax ay galeen 15-kii August 2017.

Qorshaha ayaa ahaa inay soo laabtaan 6-da September oo berri ku beegan, balse Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in fasaxa la kordhiyay oo la gaarsiiyay ilaa 9 September.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM