War-murtiyeed laga soo saaray shirka madaxda Somalida [Dhagayso]
MUQDISHU, Somalia- Shir muddo madaxda Somalida uga socday magaalada Muqdishu ayaa goordhaweyd lasoo gaba gabeeyay, waxaana lagasoo saaray war-murtiyeed looga hadlay waxyaabihii kasoo shirka intii uu socday.
Kulankan oo Asbuucii hore ka furmay magaalada Muqdishu, ayaa waxaa ka qayb galay madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo madaxda maamul goboleedyada iyadoo diirrada lagu saaray doorashada iyo waqtiga ay qabsoomi doonto.
Dhinaca kulankaan ayaa waqti koror loogu sameeyey Xasan Shiikh taasoo lagu sheegey qoraalkaan in xilka sii hayn doonaan inta la qabanayo doorashada Somaliya sadexda qaybood oo dowladu Ka koban tahay.
Gudoomiyaha Barlamanka ayaa loolan siyaasadeed ugu jirey in xilka isaga ku wareego balse arinkaan waxaa loolan adag ka galey maaxweyne Xasan Sheekh isaga tageero ka heley madaxda maamulada Somaliya.
Dhinaca kale warmurtiyeedkaan waxa is badal ku sameeyey tirada aqalka sare ee xubnaha loo qoondeeyey siyaasiyiinta maamulka Somaliland ka joogta Muqdisho.
Muran xoogan oo ka dhashey arinkaan waxaa hormood ka ahaa Ra' Isa wasaare ku xigeenka Somaliya kuwasoo diidey in 11 xubnood ee aqalka sare sadex kamid ah la siiyo beelaha gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Qoraalkaan soo baxay ayaa 3da xubnood ee aqalka sare ee Muranku ka taagnaa waxaa warmurtiyeedkaan 2 kamid ah la siiyey beelaha Sool iyo Sanaag halka xubin la siiyey beesha la yiraahdo Fiqi-shini oo dagta gobolka Sool. Beesha Fiqi-shini ayaa ka tirsan beelaha Hawiye:
Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu go'aamiyey in labo xubnood loogu daro aqalka sare ee Barlamanka Federalka beelaha Somaliland ee magaca maamulkaas kaga qayb galaya doorashada Somaliya.
Dadka siyaasada u dhuundaloola ee ku sugan magalaada Muqdishu ayaa GO u sheegey in Madaxwyne Gaas arinkaan laga adkaadey siyaasad ahaan madaama xubnaha sadexda ah 2 laga siiyey beelaha dega Sool iyo Sanaag halka beelaha Somaliland kororsiimo labo xubnood ah aqalka sare loogu darey ayna helayaan aqalka sare 10 xubnood.
Puntland iyo Somaliland ayaa qaybtii hore aqalka sare waxay lahaayeen maamulkiiba 11 xubnood.
Warmurtiyeedkaan ayaa waxaa saxaafada u sheegey afhayeenka madaxweynaha Somali kaasoo sheegey in go'aamada lagu. Gaarey shirka ka kooban yihiin 7 qodob , wuxuuna xusey in madashu soo dhaweysay talo soo jeedintii guddiga hirgalinta doorashada.
Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa aad looga hadlay shuruudaha doorashada, xubnaha haweenka ee Aqalka sare iyo kan hoose ee Barlamanka, waxaana lagu caddeeyay in lagu magacaabay guddiyada khilaafaadka kuwaasoo la sheegay inay tagi doonaan goob walba oo doorasho ka dhacayso.
Shirkan ayaa lasoo gaba gabeeyay xilli uu ku jiro labo jadwal oo midna kasoo baxay dhinaca madaxda halka kan kale ka yimi Guddiga Hirgalinta doorashada ee heer Federaal.
GAROWEONLINE