Muxuu waqti dheer u qaatay shirka golaha wadatashiga?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Lix maalmood ayuu socdaa Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran, kaasoo qodobada qaar lagu soo waramayo inay madaxda isku mari la'yihiin, iyadoo natiijadda aan weli la saadaalin karin, guul iyo guul-darro.

Shirka ayaa qaatey waqti aad u dheer, taasoo muujinaysa in ajandaha ay ku jiraan qodobo culus, oo si sahal an aan go'aan looga gaari karin, waxaana kamid ah arinta amniga qaranka cida hoos imaanaysa - Rooble ama Farmaajo.

Rooble ayaa shirkan isagu yeeray kadib cabasho ka timid doorashadda Aqalka Hoose, oo Mushariixin dhowr ah loo diiday inay tartamaan, iyadoo Mushariixiintana ay ku goodiyeen inay qaadacayaan natiijadda, taasoo walaac badan abuurtay.

Madaxda shanta Maamul ee ka qeybgalaysa kulanka ayaan isku feker ka ahayn qodobada qaar, sida Garowe Online ogaadey, waxaana jira kuwa kasoo horjeeda in looga hadlo wax aan doorashadda iyo amnigeeda ka ahayn.

Rooble ayaa khilaaf iyo loolan awoodeed oo xoogan kala dhaxeeya xiligan Farmaajo, isagoo isku dayaya inuu helo kalsoonida Gollaha Wadatashiga Qaran si uu ula wareego mas'uuliyadda amniga qaranka guud ahaan.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saareysa madaxda inay ku dhawaaqaan jadwal sax ah oo lagu soo afjarayo doorashadda mudada ka badan halka sano dib uu dhacaysa, taasoo abuurtay khilaafaad badan oo dalka gelisay hubanti la'aan.

Khilaafka siyaasadeed ayaa saameeyay amniga dalka, waxaana sii xoogeysanaya Al-Shabaab oo mudooyinkii dambe weeraro iyo qabashada magaalooyin sameynaysay, xili AMISOM isku diyaarinayso inay baxdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM