Wararkii ugu dambeeyay Qaraxa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, siddeed kalena waa ku dhawacmeen kaddib markii qarax is-miidaamin ah oo arbacada maanta ah lala beegsaday gaadiid marayay agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Wararka horudhaca ah ayaa intaas ku daraya in dadka dhintay ay ku mid yihiin askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilligaas ay goobta ku sugneyd Zeynab Xaabsey oo ah guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, taas oo ka bad-baaday qaraxa.

Qoraal kooban oo ay soo saartay ayey ku sheegtay in qaar ka mid ah askarta ilaalada u aheyd ay dhinteen, kuwa kalena ay dhaawacmeen.

“Alhamdulilah ilaahey ha unaxariisto askarteeni inta dhawacana allaha noo caafiyo waa nabad qabnaa Alhamdulilah,” ayey tiri guddoomiyamaha degmada Warta Nabadda.

Xaaladda goobta ayaa dagan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Zeynab Xaabsey ayaa horay waxaa waxyeelo xoogan uga soo gaartay weerarkii is-miidaaminta ee ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee lagu dilay ENG. Yariisow.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan.

Qaraxan ayaa kusoo beegmay xilli goor maanta oo Arbaca ah teendhada Afisyooni ay ka bilaabatay maalinta koowaad ee hadal-jeedinta musharaxiinta madaxweynaha oo ay ku tartamayaan 39 musharax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM