Wararkii ugu dambeeyay xaaladda magalada Galkacyo

Image

03 December, 2015(GO)-Magalada Galkacyo waxaa ku sugan wufuud kala duwan oo ka socda dhinacyada Federalka iyo Jubbaland kuwaaso oo u jooga nabad ka islaaxda degmada.

Shalay ayaa hishiis labada dhinac ku kala saxiixdeen magalada, waxayna ku baaqeen in dagaalka la joojiyo isla markaana nabadda laga shaqeeyo.

Balse, waxaa tan iyo shalay dhacayay rasaas kala duwan oo laga maqlayay daafaha magalada Galkacyo, lamana caddayn karo khasaaraha ka dhashay.

Maanta jawiga ayaa sidii hore ka duwan, waxaana dhacayay daqiiqada ka hor hubka waaweyn, kuwaasi oo badalay dareenka shacabka iyo rajada laga qabay hishiiskii shalay dhacay.

Dhawr hubka culus ayaa ku soo dhacay agagaarka xero Daraawiish, balse ma jirto cid wax ku noqotay, laakiin warar hoose ayaa sheegaya in bur bur soo garay hotello iyo guryo xabaddu haleeshay.

Waxa la arkayay dad iyo Gawaari kala duwan oo ka baqanaya waxa ka socda meelaha la rasaaseeyay.

Arrintan ayaa timi ka dib markii maanta shir yeesheen guddi loo saaray inay kala qaadaan ciidamada is horfadhiya, waxaana kulan ku yeesheen garoonka diyaaradaha Galkacyo kaga arrinsadeen sidii laba dhinac ciidamadooda u kala qaadi lahaayeen.

Guddiga ayaa la sheegay inay aadeen goobta ciidamadu fadhiyaan, balse waxaa bilaabatay rasaas xooggan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM