Warbaahinta dowlada oo u dhutisay xiisadda Ikraan Tahliil

Image
Hardanka ugu badan ayaa ka dhacay maamulka ciwaanada baraha bulshadda ee saxaafada qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Khilaafka soo shaac-baxay ee madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa saameyn aad u daran wuxuu ku yeeshay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka.

Tan iyo markii murankan ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax uu banaanka yimid, shaashada telefishinka Ayaan marnaba laga soo baahin wararka Madaxtooyada Soomaaliya.

Sida ay muujinayaan macluumaadyada la helayo, ciwaanada baraha bulshadda ee warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxaa laga saarey dhamaan shaqsiyaadka lala xiriirinayo Madaxtooyada si aysan u soo daabicin fariimaha hogaamiye Farmaajo

Shaqaale ka tirsan wasaaradda warfaafinta ayaa u sheegay Garowe Online in xafiiska wasiirka koowaad Rooble uu ku wargeliyey warbaahinta qaranka in aysan faafin karin wareegtooyinka uu soo saaro Farmaajo maadaama waqtigiisu dhacay.

"Wariyeyaasha warbaahinta dowladda waxay tan iyo markii is-maan-dhaafka soo shaac-baxay ay ku jiraan xabsi kor ka furan. Dowladda soo socota waxaan rajaynayaa in ay noqoto mid dhowrta madax-banaanida saxaafada qaranka," ayuu raaciyey.

Arbacada todobaadkii hore ayay si rasmi ah dibada u timid in xafiiska Rooble uu ku adkaadey maamulka warbaahinta dowladda ka gedaal markii ciwaanada baraha bulshada ee warfidiyeenka qaranka laga saarey wareegto Farmaajo ku naqdiyey Rooble.

Wareegtadaas ayaa ku saabsaneyd diidmo uu ka muujiyey xil ka qaadis uu Rooble ku sameeyay wasiirka amniga gudaha, Xasan Jimcaale Xundubey, kaasoo tan iyo markii la eryay baraha bulshadda ka waday olole ka tirsan xukuumadda xilgaarsiinta dalka.

Soomaaliya oo kamid ah meelaha ugu xun ee warbaahin ay ka shaqeyso ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay waxaa loo tixgeliyaa in ay ahayd maalmihii ugu xumaa ee saxaafada Soomaaliyeed maadaama ay hareeyeen laaluush siin, shirqool iyo cagajugleyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM