Xarunta Universal TV Muqdishu iyo wariyaal la xiray [Dhagayso]

Image

03 September, 2015(GO)-Amar ka soo baxay laamaha ammaanka Muqdishu ayaa lagu xiray xarunta TV-ga Universal qaybta Muqdishu iyadoo sidoo kale la xiray Agaasimaha Bariga Africa iyo qaar ka tirsan shaqaalaha Telefishinka ku hadla Afka Somaliga.

Cabdullahi Xirsi Kulmiye iyo saxafiga Cawil Daahir Salaad ayaa lagu xirey xarunta nabadsugida magaalada Muqdishu lamana caddayn sababta rasmiga ah ee xarigaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xarigga wariyaasha iyo Xarunta TV-ga ee Xamar uu ka dhashay barnaamij lagu magacaabo dood wadaag oo ka baxay Universal khamiistii la soo dhaafay [Halkan ka Daawo], kaasi oo ay marti ku ahaayeen xildhibaano ka tirsan DFS oo si qoto dheer ugu hadlay marxaladda Somalia iyo in dalku ku jiro gumeysi, Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Gudoomiyaha Barlamanka iyo Xildhibaanada dowladduna yihiin kuwo magac u yaal ah.

Xarigga wariyaasha ka hor ayaa looga yeeray xarunta nabad sugidda iyadoo aan loo sheegin eedaha loo haysto, balse markii dambe laga war helay inay xiranyihiin ka dibna amar lagu bixiyay inaysan shaqaynta xarunta ay ku leeyahay Muqdishu sida uu VOA-da u sheega madaxa wararka iyo barnaamijyada Maxamed Axmed Xaaji "Cag-madhige" .

Arrintan, waxaa cambaareeyay ururka saxafiyiinta Somaliyeed ee NUSOJ, maamulka iyo shaqaalaha Universal TV, waxayna codsadeen in xoriyadda wariyaasha dib loogu celiyo isla markaana la ilaaliyo xuquuqdooda.

Dowladda Somalia wali kama aysan hadlin xarigga wariyaasha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM