Wariye caan ahaa oo ku geeriyoodey London

Image

LONDON - Wariye rug-caddaa ah oo mudo dheer kasoo shaqeynayay Warbaahinta Soomaaliya, Maxamed Aadan Xirsi “Teera”, ayaa maanta oo Khamiis ah ku geeriyoodey magaalada London, ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Allah ha u naxariistee Teera ayaa ku dhintay Isbitaal ku yaalla London, halkaasi oo uu ku xanuunsanaa mudo maalmo ah, sida ay Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen Wariye-yaal ay saaxibo ahaayeen.

Marxuumka ayaa Saxaafadda kusoo guda jiray tan iyo 1970, isagoo kasoo shaqeeyay Warbaahino kala duwan, oo ay kamid yihiin Radio Muqdisho, BBC, Universal, IRIN iyo TV-ga dowladda Puntland oo mudooyinkii ugu dambeeyay kamid ahaa maamulkiisa.

Cabdinuur Sheekh, oo katirsan BBC Soomaali ayaa oo si aad ah isagu dhawaayeen Marxuumka ayaa sheegay in Teera uu kamid ahaa Suxufiyiinta ugu caansan dalka Soomaaliya, isagoo Radio Muqdisho kasoo noqday madaxa Idaacadaha.

Teera waxuu kamid ahaa dufcadii ugu horeysay oo ka qalin jebisay Jaamacaddii Umadda [National University of Somalia], oo uu ka bartay Kulliyadda Saxaafadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM

Xog ku saabsan Kulankii Xasan Sheekh iyo Mucaaradka ku yeesheen Villa Somalia

Iyadoo waqtigu si xawli ah ugu socdo doorashada 2026, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay wajahayaan caqabado culus.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:32AM