Wariye ka tirsan Goob-Joog FM oo lagu xirey magaalada Muqdisho

Image

April 1, 2015 (GO)- Wariye ka tirsan idaacadda Goob-Joog FM ee magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee shalay xabsiga loo taxaabey.

Ciidamo ka socda laanta dembi baarista (CID) ayaa wariyahaas oo lagu magacaabo Cabdifataax Xasan Axmed (Kal-Gacal) ka kaxeystey gurigiisa.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta ka dambeysey xarigga, waxaana mas'uuliyiin ka tirsan idaacadda Goob-Joog ay sheegeen in loo diidey inay xabsiga ku booqdaan.

Cabdifataax Xasan Axmed wuxuu aad ugu dhuun dalooley barlamanka Dowladda Federaalka isagoo hadda kahorna warbixino badan oo xasaasi ah ka diyaariyey doodaha xildhibaannada.

Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ ayaa cambaareeyey xarigga Kal-Gacal uguna baaqey dowladda inay dib xoriyaddiisa ugu soo celiso.

Bil kahor ayey ahayd markii maxkamadda gobolka Banaadir ganaax lacageed ku xukuntey afar wariye oo ka kala tirsanaa idaacadaha Shabeele iyo Sky FM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM