Wariye lagu dilay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Koox hubaysan ayaa caawa magaalada Muqdishu Caasumadda Somalia ku dishay wariye ka tirsanaa Idaacadda Shabeelle.

Wariye Cabdicasiis Maxamed Cali Xaaji, oo ahaa Wardoone (Reporter), ka howlgala Muqdishu ayaa waxaa lagu dilay Xaafadda Jiiro-garoob, oo katirsan degmada Yaaqshiid.

Labo nin oo Bastoolad ku hubaysan, ayaa geestay dilka Allah ha u naxariistee Wariye Xaaji, oo da' ahaan lagu qiyaasay 28 Sano Jir.

AUN wariyaha dhintay wuxuu kusii jeeday guri uu daganaa Adeerkiis, sida uu noo xaqiijiyay mid kamid ah wariyaasha kanshaqeeya Radio Shabelle. 

Maamulka Idaacada Shabelle ayaa wax laga xumaado Ku tilmaamay falkaas iyagoo GO u xaqiijiyay in Wariye Xaaji Xijaabtay.

Lama oga cida ka danbaysay Dilka Wariyaha, iyo sababta loo dilay. 

Somalia waxaa lagu tirayaa inay safka hore uga jiro dalalka lagu dilo Wariyaasha, mana jirto cid wax ka qabatay dhibaatooyinka ka dhanka ah Suxufiyiinta.

Sannadkan gudihiisa, waxaa Muqdishu lagu dilay ilaa dhowr wariye, waxaana qayb kamid dadkii dilay la  horkeenay cadaaladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM