Wariye lagu dilay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Koox hubaysan ayaa caawa magaalada Muqdishu Caasumadda Somalia ku dishay wariye ka tirsanaa Idaacadda Shabeelle.

Wariye Cabdicasiis Maxamed Cali Xaaji, oo ahaa Wardoone (Reporter), ka howlgala Muqdishu ayaa waxaa lagu dilay Xaafadda Jiiro-garoob, oo katirsan degmada Yaaqshiid.

Labo nin oo Bastoolad ku hubaysan, ayaa geestay dilka Allah ha u naxariistee Wariye Xaaji, oo da' ahaan lagu qiyaasay 28 Sano Jir.

AUN wariyaha dhintay wuxuu kusii jeeday guri uu daganaa Adeerkiis, sida uu noo xaqiijiyay mid kamid ah wariyaasha kanshaqeeya Radio Shabelle. 

Maamulka Idaacada Shabelle ayaa wax laga xumaado Ku tilmaamay falkaas iyagoo GO u xaqiijiyay in Wariye Xaaji Xijaabtay.

Lama oga cida ka danbaysay Dilka Wariyaha, iyo sababta loo dilay. 

Somalia waxaa lagu tirayaa inay safka hore uga jiro dalalka lagu dilo Wariyaasha, mana jirto cid wax ka qabatay dhibaatooyinka ka dhanka ah Suxufiyiinta.

Sannadkan gudihiisa, waxaa Muqdishu lagu dilay ilaa dhowr wariye, waxaana qayb kamid dadkii dilay la  horkeenay cadaaladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM