Wariye lagu dilay qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wariye katirsan TV-ga Kalsan ayaa lagu dilay qarax culus oo caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Ibraahim Gaabow, ayaa ku dhintay Isbitaal loola cararay kadib markii uu dhaawac culus kasoo gaaray qarax loogu xiray qeybta hoose ee kursiga laga kaxeeyo gaariga.

Gaariga ayaa qarxay xilli Wariyaha uu marayay Suuqa Kalluunka ee degmada Wadajir, ee gobolka Banaadir, sida uu Warisdaha Garowe Online u xaqiijiyay mid kamid ah Wariyaasha ay iskala howlgalayeen TV-ka Kalsan.

Allah ha u naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa waxaa la socday Wariye kale oo saaxiibo yihiin iyo labo caruur ah, kuwaasi oo ka badbaaday qaraxa.

Lama oga cid ka dambaysa qaraxa lagu dilay Wariyaha, balse waxaa loo malaynayaa Al Shabaab oo inta badan falalka noocan ah ku disha dadka la shaqeeya dowladda, Hay'daha iyo Wariyaasha ka shaqeeya Muqdisho.

Gabow wuxuu noqonayaa Wariyihii 5aad oo lagu dilo Somaaliya sanadkan.

Soomaaliya ayaa 6 sano ee lasoo dhaafay safka hore ka gashay dalalka ugu badan ee lagu dilo wariyaasha, taasi oo loo aanaynayo isla xisaabtan la'aanta iyo amni xumada dalka, oo colaad la dagtay mudo sano ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM