Wariye madax furasho loo haystay oo lasii daayay

Image

Talaado, September 23, 2014 [ GO]-  Michael Scott Moore oo ahaa wariye ka shaqaynayay Spiegel Online isla markasna u dhashay dalka Maraykanka ayaa maanta dib xoriyadiisii u helay ka dib markii ay siidaayeen koox burcad ah oo 2012 ka kaxaystay meel u dhow garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Mamulka Gobalka Mudug ayaa xaqiijiyay in Michael Scott uu dib xoriyadiisii u helay lagana dhoofiyay garoonka diyaaradaha Cabdilaahi Yuusuf isagoo nabad qaba.

Xaaladiisa caafimaad ayaa laga sheegay inay wanaagsan tahay balse siidayntiisa ayay wararku sheegayaan inay timi ka dib markii laga bixyay lacag madax furasho ah oo gaaraysa 1.5 Malyan oo doolar.

Wariyahaan oo asal ahan kasoo jeeda dalka Jarmarka ayaa saddex sano ka hor Somalia u yimi sidii uu war bixino uga qori lahaa Burcad badeeda Soomaalida hase yeeshee uu falkaan afduubashada ah la kulmay.

Ma jirto war kasoo baxay ehalada wariyahaan oo sheegaya inuu nabad kusoo gaaray balse warbahinta Maraykanka ayaa hadal haysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM