​Wariye Mukhtaar Nuur oo Xabsiga laga sii daayay [Sababta loo xiray]

Image

MUQDISHU, Somalia - Dowladda Federaalka Somalia ayaa Xabsiga kasii daysay Wariye Mukhtaar Nuur, oo Khamiistii lasoo dhaafey ay xireen Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA). 

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa xaqiijiyay sii deynta Wariye Mukhtaar, oo uu sheegay in markii hore loo xiray Arrimo ka baxsan xirfadiisa Saxaafadeed. 

"Mukhtaar Nur waa la sii daayey oo dowlada waxaa ka go'an in muwaadin walba cadaalad helo. Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Qaranka oo codsigeena iyo kan Shacabka tixgeliyey," ayuu yiri Eng Yariisow. 

Mukhtaar Nuur, ayaa ah Sawire-qaade inta badan soo bandhigi jiray billicda goobaha qurxoon ee ku yaalla Muqdishu, isagoo adeegsanaya Kaamiro ku xiran diyaarad yar oo nooca Drone-ka ah, oo aan isticmaalin Wariyaasha kale ee ka howlgala magaalada. 

Hay'adaha amaanka dowladda ayaa ka shakiyay Mukhtaar, kadib markii ay arkeen Muuqaallo uu ka duubay dusha sare ee dhismooyinka waaweyn ee Caasumadda, oo kuwa dowladda ay kamid yihiin. Balse wali ma jiro war kasoo baxay NISA oo ku saabsan sababta xariga Wariyaha.

Wararka ayaa sheegay in Mukhtaar oo ka yimid qurbaha, uu sawir-qaade u yahay mid kamid ah Safaaradaha ka howlgala Muqdishu, islamarkaana aysan jirin xarun Warbaahineed oo uu ka howlgalo. 

Hay'addaha u doodo xuquuqda hadalka ayaa ku tilmaamay Somalia inay ku jirta safka hore liiska dalalka ugu halista badan, ee uu Wariye ka howlgalo, waxaana lagu dilay, lagu dhaawacay Suxufiyiin badan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo sheegtay in mudo-xileedka Xasan Sheekh uu dhamaadey

Sidoo kale, hay’adda ayaa ku adkeysatay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 01:05PM

Xasan Sheekh oo la kulmay Danjiraha Turkiga xilli uu fashilmay Wahadalka doorashadda

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu shalay fashil kusoo dhamaadey wahadalkii Mucaaradka iyo Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 11:32AM