Jadwalka Waqtiga doorashada Soomaaliya oo shirka Baydhabo kasoo baxay [Akhriso]

Image

Wararka hordhaca ah ee soo gaaraya Garowe Online, ayaa sheegaya in goordhaweyd lasoo gabagabeeyay shirka madasha watashiga Qaran ee madaxda Soomalida uga socda xarunta gobolka Baay ee Baydhabo.

Warmurtiyeed kasoo baxay shirkaasi ayaa lagu muujiyay qorshaha hirgalinta doorashada iyo jawalka qaabk ay wax u soconayaan iyadoo la sheegay in kulankan uu yahay kii ugu dambeeyay islamarkaana lagu dhammaystiray dhammaan arrimihii farsamo ee doorashada.

Madaxda ayaa isla meeldhigay kharashaadka ku baxaya doorashada iyo arrimaha farsamo, iyadoo sidoo kale aad uga dooday  dhismaha Aqalka sare gaar ahaan saamiyada ay yeelanayaan Somalilan diyo gobolka Banaadir.

Gobolka Banaadir ayaa la siiyay labo xubnood oo dheeri ah kuwaasi oo la sheegay inay yeelayaan beesha Banaadiriga, waxaana lagu macneeyay inay sidaasi lagu xalliyay raadintii maqaamka Caasumadda Muqdishu.

Ka noqoshada guddiga doorashada dalka, ayaa sidoo kale kulanka Baydhabo looga hadlay, iyadoo gabi ahaanba laga saaray guddiga Siyaasiyiintii horay loogu daray islamarkaana waxaana la sheegayay inay si toos ah ula shaqayn doonin beesha Caalamka.

Warsidaha Garowe Online ayaa helay Warmurtiyeedka madaxda Soomalida, kaasi oo lagu caddeeyay qaabka shaqadu u soconayso.

LIFAAQA I:

Qorshaha Hirgelinta iyo Jadwal Waqtiyeedka

24-ka June Dib u eegidda iyo dhamaystirka liiska 135ka odey dhaqameed ee hadda jira. Madasha Hogaanka Qaranka (MHQ) 

24-ka June Dhameeystirka, magacaabista iyo kudhawaaqidda Guddiyada doorasho ee heer Federaal (GFHDD) iyo heer dowlad goboleed (GDGHDD) MHQ 

24 ka June – 1-da July Magacaabista Gudiga Xalinta Khilaafaadka iyo Dhameeystirka hannaanka xallinta khilaafaadka MHQ 

26-29 - Ka June Tababarka guddiga GFHDD iyo GDGHDD IESG (UN) 

30-ka June Guddiyada GFHDD iyo GDGHDD ayaa billaabaya wacyigelinta dadweynaha ololaha doorashooyinka 2016.

8-da July Guddiyada SEITs ayaa laamaha fulinta dowlad goboleedyada federaalka ugu yeeraya inay murashaxiin u soo magacaabaan Aqalka Sare. `

8-da July Guddiga GDGHDD ayaa Odey Dhaqameedyada ugu yeeraya inay soo xulaan ergooyinka doorashada. GDGHDD Soo gudbinta/magaacibadda murashaxiinta u tartamaya Aqalka Sare.

Laamaha Fulinta ee Dowlad Goboleedyada 

9-10-ka July: Guddiyada GDGHDD ayaa diwaangalinaya xubnaha murashaxiinta ee u tartamaya Aqalka Sare. GDGHDD

10-13 Ka July Odey dhaqameedyada waxay diyaarinayaan liiska ergooyinka cod bixiyeyaasha ayagoo tix gelinaya kuraasta sida gaarka ah loogu asteeyay ee loo qoondeeyay haweenka iyadoo la raacayo habka ay ogolaatay Madasha Hogaanka Qaran (ugu yaraan 30% Aqalka Hoose). Odayaasha Dhaqanka

10-ka July Dejinta habraac iyo arrimo farsamo (oo ay ka midyihiin shuruudaha murashaxmimada, diiwaangelinta murashaxiinta, xarumaha codbixinta, waraaqaha codeynta, kormeerka doorashada, wacyigelinta dadweynaha iyo ololaha).

14-15 ka July: Dhegeysiga khudbadha murashaxiinta u tartamaya Aqalka Sare. Baarlamaanada Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka

15-ka July Kulanka Madasha Hogaanka Qaran ee lagu oggolaado:

  • • Liiska faahfaahsan ee 30% kuraasta qoondada haweenka •
  • Arrimaha kale ee la ogaado una baahan ka doodidda/go’aanka Madasha Hoggaanka Qaran. MHQ LUULYO (Ramadaan/ Ciid)

1-16-ka July Soo xulidda ergooyinka doorashada Odayaasha Dhaqanka

16ka July Soo gudbinta iyo hubinta liiska kama dambeeysta ah ee ergooyinka Odayaasha Dhaqanka Iyo GDGHDD 

16-23-ka July Guddiyada GDGHDD ayaa dib u eegid ku sameynaya qaybaha ay ka kooban yihiin ergooyinka doorashada kana eegaya in loo wada dhanyahay (dhallinyarada, bulshada rayidka, ugu yaraan 30% haween ah) GDGHDD 

16-19 ka July: Daabacidda waraaqaha codeynta Aqalka Sare iyo ogolaansho la siiyo goobjoogayaasha hanaanka codeynta iyo tirinta codadka. Baralamaanada Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka 

20-ka July: Codeynta Aqalka Sare (oo hal maalin kawada dhacaysa dalka), oo ay ku xigto tirinta iyo isu geynta codadka, ansaxinta iyo ku dhawaaqidda natiijada iyo saxiixidda liiska rasmiga ah ee xubnaha la doortay ee Aqalka Sare. Baralamaanada Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka 

27 July: Doorashada godoonka aqalka sare ee baarlamaanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka 

22-30-ka July Asteynta iyo diyaarinta xarumaha codeynta doorashada Aqalka Hoose ee ku yaalla caasimadaha dowlad goboleedyada federaalka iyo magaalada Muqdisho.

25-ka July Xubnaha ergooyinka doorashada ayaa lagu wargelinayaa in la soo xulay waxaana loogu yeerayaa inay ka qaybqaataan codeynta kuraasta Aqalka Hoose. 

GDGHDD AGOOSTO 2016 2-7 August: Daabacidda waraaqaha codeynta Aqalka Hoose iyo bixinta ogolaansho la siiyo goobjoogayaasha hanaanka codeynta iyo tirinta codadka. 

GFHDD 7-12-ka August: Imaanshaha iyo Wacyigelinta ergooyinka codeynaya , soo jeedinta khudbadaha murashaxiinta u tartamaya Aqalka Hoose ee Barlamaanka

GDGHDD 13-20-ka August: 

  • U codeynta Aqalka Hoose (oo isla maalin ka dhacda dhammaan goobaha, haddii loo baahdana la sii wado dhowr maalmood), oo ay ku xigto tirinta iyo isu geynta codadka, ansaxinta iyo ku dhawaaqidda natiijada iyo saxiixidda liiska rasmiga ah ee xubnaha la doortay ee Aqalka Hoose.
  • Liiska kama danbaysta ah ee Xildhibaanada Aqalka hoose oo lagu dhawaaqo.
  • Fadhiga ugu horeeya ee lagu dhaarinaayo xildhibaanada aqalka hoose oo qabsooma. 

GDGHDD iyo GFHDD oo midba shaqada uga jira halka uu ka leeyahay 

21-30-ka August: Doorashada guddoonnka Aqalka Hoose ee Barlamaanka

SEBTEMBER 2016 1-8-ka ka September Olalaha Murashaxiinta Madaxtinimada

10-ka September Doorashada Madaxweynaha JFS

HALKAN KA AKHRI QORAALKA PDF: 

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM