WARMURTIYEED: Kulankii Muqdisho uga socdey madaxda Somalida [AKHRI]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 06 - 12 September 2016 ka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.

Kulankan wuxuu dabasocdaa kulankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdisho 02- 09 Agoosto 2016, kaasoo lagu gaaray go’aamo khuseeya doorashada 2016ka.

Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la qiimeeyo arrimaha qabsoomay iyo in la
dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016ka.

WARMURTIYEEDKA SHIRKA OO KA HADLAYA QODOBADA AQALKA SARE, HAWEENKA IYO KUWO KALE HALKAN KA AKHRI: DOC-20160912-WA0023_signed.pdf

GAROWEONLINE- Email: office@garoweonline.com

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM