WARMURTIYEED: Kulankii Muqdisho uga socdey madaxda Somalida [AKHRI]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 06 - 12 September 2016 ka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.

Kulankan wuxuu dabasocdaa kulankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdisho 02- 09 Agoosto 2016, kaasoo lagu gaaray go’aamo khuseeya doorashada 2016ka.

Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la qiimeeyo arrimaha qabsoomay iyo in la
dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016ka.

WARMURTIYEEDKA SHIRKA OO KA HADLAYA QODOBADA AQALKA SARE, HAWEENKA IYO KUWO KALE HALKAN KA AKHRI: DOC-20160912-WA0023_signed.pdf

GAROWEONLINE- Email: office@garoweonline.com

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM