War-murtiyeed laga soo saaray kulankii D. Federaalka iyo Somaliland

Image

December 21, 2014 (GO)- War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban ayaa laga soo saaray kulan muddo labo maalmood ah qaatay oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku yeesheen magaalo madaxda dalka Jabuuti ee Jabuuti.

Kulanka oo dowladda Jabuuti martigelisey islamarkaana Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ka qayb galay waxaa qodobadii kasoo baxay ugu muhiimsanaa:

  • In la dar dar geliyo wada hadallada labada dhinac waqtina lagu jaan gooyo.
  • In arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah lagu dhiirrado lana fuliyo waxyaabihii horay loogu heshiiyey.
  • In laga dhowrsado wax walba oo wada hadallada carqalad gelin kara.
  • In aan la siyaasadeyn deeqaha bini aadamnida iyo mashaariicda horumarinta balse la dhiiri geliyo.
  • In la fuliyo heshiiskii maamulka hawada.
  • In kulammada hadii labada dhinac raali ka yihiin laga soo qayb gelin karo khubaro farsamo iyo dowlado saaxiib ah.
  • In ergooyinka labada dhinac kulanka kan xiga ku yeeshaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 26/27 January, 2015.

Qodobada kulankan kasoo baxay ayaan wax badan ka duwaneyn kuwii kasoo baxay kulamadii labada dhinac horay u yeesheen.

Waa markii ugu horeysey ee Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo kulan rasmi ah wada qaataan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM