Warsame: Dalkaan doorasho malxiis iyo marag fur been ah ka socon mayso

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda dowladda federaalka waa in ay ogaadaan in dalka aysan ka qabsoomi karin doorasho la og-yahay cidda kusoo baxeysa oo hal dhinac u raran, sidda uu ku wargeliyey siyaasi xog ogaal ah.

Dhawaqa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kusoo hagaagaya xilli uu is-qabqabsi ka taagan yahay guddiyadda doorashooyinka oo Villa Soomaaliya iyo taliska nabad-sugida ay faragelin ku sameeyeen.

"Madaxweyne Farmaajo iyo taliskiisa nabadsugidda weli kama quusan muddo kororsi, sababtoo ah wey ogyihiin in aysan doorasho xalaal ah ku guulaysan karin," ayuu Jimcada maanta ah kusoo qoray Facebook.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa ku daray hadalkiisa: "Waxey doorteen waddo qalaalase abuur ah oo uu billawgeedu yahay guddi doorasho oo xubno nabadsugid iyo CBB u badan".

"Waxey ku tala galeen in ay fursad walba xiisad hor leh ku abuuran, si ay Soomaali u kala doorato tooda ama in lagu kala tago. Soomaali waxey marag ka tahay in 30 sano koox kaligeed xoog keeda ah wax ku meel marsata la waayay, cid kasta oo awood is baddana, masiir xun ayaa u danbeeyey," ayuu tibaaxay.

"Villa Somalia iyo taliska nabadsugidda isbaarooyinka ay doorashada ku horgaynayaa waa kuwo is dabayaala, waase la fahamsanahay" ayuu hoosta ka xariiqay hogaamiyaha xisbiga Wadajir.

Warsame ayaa kusoo xiray: "Dalkaan doorasho malxiis iyo marag fur been ah ka socon mayso. Waqtiga iyagaa iska lumiyey, Soomaalina way ka tashan, dalkana halistooda waan ka badbaadsanaynaa Ilaaheey idinkii".

Hogaanka waddanka ee waqtiga kasii dhamaanayo ayaa doonaya in ay soo laabtaan coddeynta soo aadan, waana sababta ay guddiyadda doorashadda ugu dhex-mileen xubno taabacsan si ay ugu dhaqan-geliyaan qorshahoodda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM