Warsame: Farmaajo ma tanaasulo, waa nin raba in uu adkaado

Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Farmaajo Rooble ay ka gorgortamayaan qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ma ahan nin tanaasula waa mid raba in uu adkaado, sida uu sheegay musharax, madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook-ga ayaa intaas ku daraya in muhiim ay tahay in ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta aan lagu hoosaasin wadahadal.

“Mar kasta oo aan waanwaan maqlo waxaa ii sawiranta in ay waqti iibsi iyo hoosaasin tahay. Farmaajo ma aha nin tanaasula, waa nin raba in uu adkaado," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Hal maalin oo keli ayuu aqbalay in uu Raysalwasaraaha masuuliyada ku wareejiyey, waa maalintii madaxiisa la isku qabsaday."

"Wuxuuse mar walba helaa qolo waanwaanta kaga dhuumanaysa mowqifkii laga rabay, oo aan ninka garta diidda qaban karin, ogalayna in kan garta leh ay la saftaan," ayuu xusay.

Wuxuu kusoo xiray: "Waxa keli ah ee ay ku seexanayaan waa in madaxa Raysalwasaaraha la isku qabsado. Haddaba sax maaha in RW la hoosaasiyo oo waqtiga lagaa lumiyo, haddii aan la garab istaagaynin".

Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Farmaajo Rooble ay ka gorgortamayaan qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ay si ballaaran ugu kala aragti duwan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM