Warsame: Farmaajo wuxuu u socdaa wejigii labaad ee kororsiga

Image
Musharaxa madaxwayne ayaa uga digay madaxda maamulada in ay ku gadsoomaan taliska waqtigu ka dhacay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo wuxuu damacsan yahay qorsheyaal kale oo sii murjinaya xaalada uu dalka ku jiro haatan, sidda uu shaaciyey musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo kasoo muuqdey muuqaal uu faafiyey xafiiskiisa ololaha, ayaa ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble uga digay "shirqooladan".

Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa aaminsan in "dabinada Villa Soomaaliya maleegeyso ay kamid tahay in xil ka qaadis lagu gaado Rooble sida horey loogu sameeyay ra'iisul wasaareyaashii hore ee dalka".

Madaxda maamuladda ayuu cod dheer kaga dalbadey "in ay gutaan waajibaadkooda iyo in aysan "ku kadsoomin siyaasadaha is-maskiininta ah ee Farmaajo oo aan dadka Soomaaliyeed mar kale duufsan karin".

"Tobanaan jeer horay waan u sheegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo doorasho si nadiif ah loogu tartamayo inta uu xilka hayey dalkan kama dhicin, inta ay doorashadda bilaabatayna ma dhicin mana doonayo in ay dhacdo laakiin hadalka af-gabaadsiga ah ee idaacadda uu maanta noosoo mariyey oo ah in uu doonayo doorasho hufan waxaa lagu magacaabaa oohinta yaxaaska," ayuu yiri.

Farmaajo ayaa maanta ka hadlay xuska maalinta booliska. Xafladda waxaa ka hadlay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal C/raxmaan oo xusay in heshiiska 17-kii September dhacayo waqtigiisa.

Ugu dambeyntii, ciidanka ayuu ku waaniyey in ay ka shaqeeyaan danta qaranka. Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay feejignaadaan "ilaaheyna waxaa ka rajeynayaa in uu waddanka inoo samatabixiyo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM