Warsame: Inta musuqmaasuq jiro Shabaab la iskama celin karo

Image
Xildhibaanadda ayuu cod dheer ku xasuusiyey in shaqadooda aanu ahayn "abaabulka maleyshiyaad".

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha ayaa wuxuu xasuusiyey Xildhibaaanda federaalka in shaqadoodu aanu ahayn "abaabulka maleyshiyaad".

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli qaar kamid ah mudaneyaasha Golaha Shacabka ay maalmihii ugu dambeeyay kasoo muuqdeen furimaha dagaalka iyo abaabulka dadka degaanka ee loo biixiyey Macawiisley.

"Waa sax in Xildhibaanka uu dhiirageliyo ciidanka xoogga, laakiin Xildhibaanku shaqadiisu maaha in uu abaabulo maleyshiyaad iyo qabiilo," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay Dalsan Tv.

Warsame ayaa hadalkiisa wuxuu intaas ku daray: "Xildhibaanka shaqadiisa waa la yaqaanaa waa in uu ka shaqeeyo dowladnimadda iyo sharciyadda horyaala baarlamaanka.

Musuqmaasuqa hay'adaha ammaanka

Inkasta oo uusan cid gaar ah magacaabin, Warsame ayaa sheegay in hay'adaha ammaanka dowladda federaalka ah ay hareeyeen musuqmaasuq ayna taas caqabad ku tahay xasiloonida magaala madaxda Muqdisho.

"[Hay'adaheena] amniga musuqmaasuq ayaa ka jira illaa laga xaliyana Shabaab la iskama celin karo," ayuu yiri. "Dad la og-yahay in ay faashiliyiin yihiin oo dalkan ay qaribeen ayaa wali hay'adihii amniga jooga".

Wuxuu intaas raaciyey: "Dad la go-yahay in ay musuqmaasuq ku suntan yihiin oo ay fasahaad ku jiraan oo hanti aysan iyaga lahayn ay haystaan oo hubkii ay dowladda si shaqsi ah ayaga u haystaan ayaa wali joogga".

Sida laga soo xigtey Warsame, taliyeyaasha ciidamadda ee "dabaq-yadda ku leh caasimadda" waa in la waydiiyaa halka ka keeneen lacagta "maadaama mushaharkooda uu kaliya yahay $800".

Qawleysato iyo mashruuceynta dagaalka

"Wiilashaan yaryar ee guryaha 10-ka dabaq ah meeshan ka dhistay, ee la leeyahay Amniga ayeey ka shaqeynayaan oo 24 saac Holiday (Fasax) u jira Turkey, Maleysia iyo Nairobi oo la leeyahay waa kabtan, waa labo xidigle, hantidii qarankana isaga heysta oo shabaabuu la dirirayaa, waxaas waa ruwaayad," ayuuu is-waydiiyey.

Siyaasiyiin uusan magacyadooda shaaca ka dhigin ayuu ku eedeeyay in ay "ka qawleysanayaan ayna mashruuc ka dhiganayaan" dagaalka dadka degaanka ee ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab".

"Dagaalkan Macawiisleyda ee nadiifka ah ayay rabaan in ay mashruuc ka dhigaan. Arrintaas in dhinac la iska dhigo ayay u baahan tahay," ayuu hoosta ka xariiqay siyaasiga.

Eryada kulul ee kasoo yeeray Warsame ayaa kusoo beegmaya xilli uu maalmo kahor dalka kusoo laabtey kadib safar shaqo dheer oo uu ku tagay qaar kamid ah dalalka daneeya Soomaaliya si uu mucaawino ugu raadiyo abaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM