Warsame: Kiiska Ikraan ma aha mid si fudud loo dabooli karo

Image
Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka digay in waanwaanta laga dhex-bilaabay Farmaajo iyo Rooble.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kiiska Ikraan Tahliil Faarax wuxuu saaran yahay maxkamad dadwayne, ma aha mid la dabooli karo, sida uu sheegay musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka digay wadahadalada laga dhex-bilaabay madaxweynaha waqtiga k dhacay Farmaajo iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble.

Sida laga soo xigtay hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, waanwaanta waxaa ku dhex-dhuumanaya dad in ay mowqifkoodu caddeeyaan ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

"Ma garan qodobbada waanwaanta laga gelayo. Ma cayrinta Fahad? Ma caddaalad u raadinta Ikraan? Mise gabbaadsiinta eedaysanayaasha? Farmaajo ma aha nin tanaasula, waa nin raba in uu adkaado," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waanwaanta agtiisa waa waqti iibsi, laakiin wuxuu mar walbana helaa qolo, iyaga qudhooda waanwaanta gabbaad ka dhiganaya oo kaga dhuumanaya in ay mowqifkii dadku ka sugayey caddeeyaan".

"Raysalwasaare yaan lagu hoosaasin. Go’aannadaada ku soco, shacabka Soomaaliyeed ayaa ku garab taagan. Maxkamadda dacwadda loo gudbiyeyna waa in ay horay u socodsiiso kiiska," ayuu raaciyey.

Siyaasiga ayaa kusoo xiray: "Kiiska Ikraan maxkamad dadwayne (Public Court) oo shacabkoo idil indhaha ku hayaan ayuu saaran yahay ee ma aha mid la dabooli karo. Dadka iyo dalkaba caddaalad ayaa deeqda".

Dhawaqa Warsame ayaa yimid xilli ay daaha gedaashiisa ka socdaan wadaxaajoodyo kuwaasoo ay garwadeen ka yihiin qaar kamid ah hogamiyeyaasha maamuladda oo raba in xiisadda si fudud biyo qabow loogu shubo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM