Warsame: Wixii shaqsi ah dhib ma leh, laakiin danta guud looma turayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo waa in uu ogolaado in uu si xalaal ah ula baratamo murashaxiinta uu damaca uga jiro kursigiisa uu waqtiga kasii dhacayo, sidda uu ku waaniyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ahna murashax madaxweyne, ayaa si cad u sheegay in aysan aqbali karin in guddiyadda maamulaya doorashooyinka lagu soo daro xubno u jaranjeera Villa Soomaaliya.

Madaxweyneyasha maamul goboleedyadda ayuu si furan ugu baaqay in ay dhex-dhexaad ka noqdaan arrimaha la isku hayo "hadiiba aysan nidaamka 4.5 noogu hiilineyn maadaama uusan jirin mid sheegay in uusan tartameyn".

"Waxaa soo haray Ra'iisul Wasaaraha wuxuu yiri 'aniga murashax maahi, waxaa ii murashax ah madaxweynaha asagana bahasha in uu dhexda ka joogaa rabnaa. Annaga iyo madaxweyne Farmaajo ayaa tartameyna," ayuu ka sheegay maalinta afaraad ee shirka murashaxiinta ee Muqdisho.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay wuxuu safka hore kaga jiray mucaaradka dhanka warbaahinta ee taliska Farmaajo.

Warsame ayaa intaas ku daray ku daray: "Madaxweyne Farmaajo wuxuu rabaa in uu dhaho 'cayaarta aan isla galno firimbigana anigaa jeebka ku haysto, hadii aad gacan ku taabatana waa yeerinaa, aniga hadii aan ku taabtana lama yeerinaayo'; nin isaga firimbigii haysto yaa la cayaarayo marka, waa dhibaato annaga waxaan rabnaa firimbiga qof dhexe in loo dhiibo".

"Wixii shaqsi ah waad og-tihiin nimankaas [madaxda talada haysa] wixii nasoo kala gaarey – wixii shaqsi ah waa la isugu dulqaadanaa dhibna ma leh – madaxweyneyaashaa irida laga celiyey, kanaa la weeraray, kanaa loo diidey ganacsato ayaa saan la yeelay midaa la yiri shirkadiisa argagixiso ayay la shaqeysaa waxaas oo dhan waxaa laga yaabaa markii shaqsi tahay in qofka indhaha laga laabto laakiin danta guud markii ay tahay oo wixii korkeena ay ku dumaayaan; danta guud Diinta Islaamka waxay qabtaa in loo istaago oo la diido," ayuu tibaaxay.

Farmaajo oo mudo xileedkiisa ay bilooyin ka hareen ayaa damac wuxuu uga jiraa in uu difaacdo kursigiisa, hasa ahaatee, isataatijiyadda uu doonayo in uu kusoo laabto oo su'aallo badan laga keenay waxay abuuri kartaa qalalaase siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM