Warsame: Waa in wadajir looga hortago dhagarta Farmaajo

Image
Musharaxa madaxwayne ayaa soo jeediyey shan qodob oo lagu wajihi karo "sharta" hogaamiyaha waqtigu ka dhacay. [Photo: Mohamed Maax]

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa wuxuu soo bandhigay shan qodob.

Sida uu ka dhawaajiyey hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, afartan qodob waxay yihiin qaabka kaliya ee looga hortagi karo in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xukunka xoog kusii joogo.

Warsame oo xubin ka ah Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn ugu ololeynaya in saamileyda siyaasadda iyo shacabka ay si wadajir ah isaga caabiyaan talaabooyinka ka dhanka ah Farmaajo.

Shanta qodob waxay kala yihiin;

1- In uusan Farmaajo dalka Madaxweyne ka ahayn, 10 bilna uu xafiiska sharci darro ku fadhiyo, ayna tahay in uu ka soo baxo Villa Somalia.

2-  Golaha Wadatashiga Qaranka, wuu shiri jiryay, Farmaajana shaqo kuma lahayn shirkooda.

3- Sixitaanka iyo socodsiinta doorashada waa hawl madasha uu Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamiyo u taalla.

4- Muddo xileedkii Golayaasha Dawladda wuu dhamaaday, Aqalka Sare waa la soo doortay, Golaha Shacabka ayaa dhiman, Ra’iisul Wasaaraha ayaa leh awoodda xil-gaarsiinta ee ay ugu horreyso dhamaystirka doorashada iyo Amniga dalka, waana in uu xilka hayaa ilaa iyo inta doorashadu ka dhamaanayso, madaxda qarankana laga dooranayo.

5- Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, waa in ay RW Rooble, garab istaagaan, gaashaanna u noqdaan, si wadajir ahna uga hortagaan dhagarta uu Farmaajo maleegayo, iskana qabtaan calooshood u shaqaystayaalka uu adeegsado.

Farmaajo ayaa xalay wuxuu iclaamiyey shir "dhab loogu jihaynayo doorashadda" isaga oo u cuksadey in ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble uu ku guuldareystay in qabashadda doorashooyinka dadban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM