Wasaarada arimaha dibada Somalia oo beenisay in shirka IGAD baaqdey

Image

MUQDISHU, Somalia- Waraaq habeenkii xalay lagu shaaciyey baraha bulshada ayaa waxaa ay sheegeysay in shirkii urur  goboleedka IGAD ku qaban lahaa magalaada Muqdishu baaqdey.

Qoraalkaas oo ku sixiixnaa xoghaynta ururka ayaa lagu sheegin sababta balse kulankaas baaqdey.

Baahinta qoraalkaan kadib ayaa wasaarada Arrimaha dibada so dhigtey barteeda Twiter in kulankaas uusan baaqan islamarkaana uu  qabsoomayo.

Qoraalka IGAD ayaa sida uu yahay run noqon lahaa waxaa ay dhabarjab ku ahaan laheyd Madaxeynaha iyo Ra'isal wasaaraha xilku ka dhamaadey kuwasoo ku jira olole doorasho.

Magalaada Muqdisshu ayaa tobankii Cisho ee la soo dhaafey aad loo adkeeyey amaankeeda taasoo cabashooyin ka muujinayeen dadweynaha ku nool magaaladaas.

Garoonka diyaaradaha Muqdishu ayaa waxaa ka socda diyaar garowga soo dhoweynta madaxda urur goboleedka IGAD

GAROWEONLINE 

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM